Xog sugan oo ku saabsan safar murashax Cabdiraxmaan Cirro ku tegay Itoobiya

Ethiopia-(Berberanews)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar aan ujeeddadiisa la shaacin ugu duulay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay.

Haddaba, wax ka ogow xog sugan oo ku saabsan qorshaha iyo dulucda socdaalka Cabdiraxmaan Cirro ku tegay Addis Ababa.

Murashax Cirro martiqaaday Safiirka Shiinaha ee Addis Ababa, waxana loogu yeedhay qorshe ay wadaagaan Itoobiya iyo Shiinaha oo ah inay ku taageeraan doorashada madaxtooyada Somaliland si marka kursiga la saaro uu Taiwan u caydhiyo, kadib markii ay arkeen in Madaxweyne Biixi aad ugu janjeedho dhinaca Maraykanka oo xafiiltan siyaasadeed ka dhexeeyo labadaas dal.