Al-shabaab oo markale weeraray degaanno Itoobiya ah

Ethìopia-(Berberanews)-Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa markale subaxnimadii hore ee shalay weerar ku qaaday degaanno ku yaal gudaha dalka Itoobiya, halkaas oo dagaal culus ku dhexmaray ciidammada Liyu Booliska ee Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan in uu dagaalku ilaa hadda ka socdo degaanka Aato, mana jiraan faahfaahin ku saabsan khasaaraha labada dhinac.

Al-shabaab ayaa markii hore weerar hoobiyeyaal ah ku bilowday weerarka, kaddibna waxa xigay dagaal toos ah oo ka dhacay degaanka Aato oo ku yaal xuduudka gobollada Bakool iyo Afdheer ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waa markii saddexaad muddo bil gudaheed ah ee ay deegaannada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhacaan dagaallo ka dhashay weerarro qaadday Al-shabaab.

Horraantii toddobaadkan ayaa xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka Liyu Booliska ku dagaallameen degaanka Feerfeer ee Gobolka Hiiraan oo u dhow Gobolka Shabeelle ee dhinaca Itoobiya.
Markii dambe waxa dagaalka qayb ka noqday millateriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaadhsiiyey midka kale.

Bilowgii bishan July ayey ahayd markii ay isku dhaceen Al-shabaab oo ujeeddadoodu ahayd inay u tallaabaan dhanka Gobolka Oromada ee Itoobiya iyo ciidammada Dawlad-deegaanka Soomaalida.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Geeddi oo ka mid ah Baarlamaanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Liyu Booliska ay ku sugnaayeen meesha dagaalku ka dhacay.
“In badan ayey madaafiic ku garaacayeen, kaddibna ciidankii lugta ayaa galay. Runtii ciidan badan ayaa joogay oo ciidankeenna SNA-ga qaybta Gobolka Bakool ka tirsan iyo ciidanka Liyu Booliska ee Dawlad-degaanka Soomaalida.

“Runtii si fiican ayaa la isaga caabbiyey. Waa la soo eryey oo xagga gudaha ayaa loo soo eryey, haddana goobihii ciidanka ma aha ee ilaa 10km oo dhanka gudaha ah ayaa loo soo eryey,” ayuu yidhi.
Al-shabaab wali kama aanay hadal dagaalka cusub.
Wararka madaxabannaan iyo xogta laga heli karo dadka deegaanka ayaa ah mid aad u xaddidan.
Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay qayb ka ahaayeen dagaalka saaka.
Weerarka cusub ee Al-shabaab ku qaadday degaanno ku yaal Itoobiya maanta, ayaa yimi xilli uu dhowaan Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaaliya, Mustafa Cumar wacad ku maray in ay kooxdaas kula dagaallami doonaan gudaha Soomaaliya.