Diyaarad dagaal Maraykanku leeyahay oo hub sida oo ku degtay Madaarka Berbera

Berbera – (Berberanews)Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidammada Maraykanku leeyihiin oo hub sida, ayaa ku degtay Madaarka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland shalay subax.

Diyaaraddaas oo nooceedu yahay Beechcraft C- 12 Huron, isla markaana siday 16 pallet oo ah hubka M4 Carbine, ayaa waxa ay ku soo degtay Madaarka magaalada Berbera shalay Khamiistii saacadda Geeska Afrika markii ay ahayd 08:17 subaxnimo.

Beechcraft C- 12 Huron ayaa ka soo duushay waddanka Djibouti.

Xigasho.Ahmed Adam.