Turkiga oo ku hanjabay joojinta xubinimada Finland iyo Sweden ee NATO hadaanay fulin shuruudo

Ankara-(Berberanews)-Turkiga ayaa joojin doona dalabaadka Finland iyo Sweden ee xubinimada NATO, haddii wadamada Waqooyiga Yurub aanay oofin ballanqaadyada la dagaalanka argagixisada ee ay sameeyeen bishii hore.

Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay, isagoo intaa ku daray inuu rumeysan yahay in Sweden “aanay muujinin muuqaal wanaagsan”.

Dalalka Finland iyo Sweden ayaa dalbaday inay xubin ka noqdaan xulafada difaaca si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushka ee Ukraine, balse Turkiga ayaa ka soo horjeestay, isagoo ku eedeeyay dalalka Waqooyiga Yurub inay taageeraan kooxaha uu u arko inay yihiin argagixiso.

Saddexda waddan ayaa heshiis ku kala saxeexday shirkii NATO ee ka dhacay Madrid bishii hore si loo qaado diidmada VETO ee Ankara si ay ballan uga qaadaan ka hortagga argagixisada iyo dhoofinta hubka.

Turkiga ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhaqan gelinta heshiiskaasi si ay u ansixiyaan dalabkooda xubinimada.

Berberanews.com
Info@berberanews.com