Masar: 22 qof oo ku dhintay shil baabuur

Masar-(Berberanews)-Ugu yaraan 22 ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Masar Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay gobolka Minya ee koonfurta Masar.

23 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo loo qaaday isbitaalada ku dhow.

Shilkan ayaa dhacay subaxnimadii hore ee salaasada maanta iyadoo bas ay saarnaayeen ilaa 45 rakaab ah uu ku dhacay gaashi xamuul ah oo taagnaa.

Maamulka ayaa sheegay in gaadhiga xamuulka ah uu ku bedelayay taayir wadada dhinaceeda markii uu baska ku dhuftay magaalada Malawi ee gobolka Minya, oo qiyaastii 220 kilomitir (137 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Qaahira.

Gaadiidka Ambalaaska ayaa ku yaacay goobta si ay dadka dhaawaca ah u gaadhsiiyaan isbitaalada ku yaala Minya.

Muuqaal laga soo duubay goobta oo ay soo galiyeen maamulka deegaanka ayaa muujinayay bas uu burbur xooggan ka soo gaashay qeybta hore ee shilku ka dhacay oo dhabarka dambe ee gaadhiga.

Shilalka waddooyinka ayaa ku badan dalka Masar, iyadoo kumannaan qof ay sannad walba ku dhintaan.