Dowladda Kenya $141m ku kabaysa shiidaalka, si ay uga ilaaliyo sare u kac

Kenya-(Berberanews)-Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay lacago cusub oo kabka shidaalka ah si looga hortago sare u kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo matoorka.

Litirkii batroolka ayaa ku sii jiri doona qiimaha hadda la joogo in kasta oo uu dhawaan sare u kacay qiimaha saliidda, taas oo meesha ka saaraysa cabsida laga qabo in uu sare u kaco mar kale iyadoo Kenyaanka ay la daalaa dhacayaan kor u kaca qiimaha badeecadaha kale ee muhiimka ah.

Dawladdu waxay mar sii horreysay ka dhawaajisay in ay meesha ka saari karto kabka ka hor dib u eegisteeda billaha ah.

Bishii Juun, mas’uuliyiintu waxay ku tilmaameen kabka shidaalka ee jira mid “aan sii jiri karin”.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacay daqiiqaddii ugu dambeysay waxay dowladdu ogolaatay kharashaadka ilaa $141m (£120m) si loogu sii hayo qiimaha tafaariiqda ee hadda 30 maalmood oo kale.

Kaalmada la’aanteed, litirkii batroolka ee caasimadda Kenya ee Nairobi wuxuu ku dhici lahaa $1.80. hadda waa $1.34.

Sanadkii la soo dhaafay, Kenya waxa ay ku bixisay in ka badan $860m si ay uga kabto shidaalka iyada oo ay wajaheyso kor u kaca qiimaha suuqyada adduunka.