Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo kala saxeexday heshiis cusub

Asmara  – (Berberanews)’Akhri qodobadda heshiis ay Asmara ku kala saxeexdeen Xasan Sheekh iyo Isias Afwerki, wax yar ka hor intii aannu Madaxweynaha Soomaaliya ku laaban Muqdisho maanta.

1- Xoojinta xidhiidhka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan, sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaadhinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho iyada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaqdhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Kor-u-qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo, sarena loogu qaado degaanka, waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.