Puntland: Iska hor imaad dhexmaray Ciidammada PMPF iyo PSF

BOOSAASO-(Berberanews)-magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland waxa iska horimaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha kaasooo dhexmaray ciidamada badda ee PMPF ee garoonka amnigiisa gacanta ku haya iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan PSF.

Murankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaabilaadda diyaarad mucaawino sidda oo ka timid magaalada Muqdisho, taasi oo ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar kontorool oo laga galo garoonka.

Ilo-wareedyo ku sugan goobta ayaa u sheegay weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac dagaalka uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ayaa sheegay in mas’uuliyiinta garoonka Boosaaso ay amreen inay dib u laabato diyaaradda sidday mucaawinada oo si nabad ah ku degtaya garoonka.

Sidoo kale lama soo sheegin waxyeelo gaadhay rakaabka diyaaradda oo ay ku jirto xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar.

Warbixinta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay halkan ka dhegayso.

Warbixinta dagaalka Boosaaso