Hargeysa-11-07-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasada.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha ururada siyaasada.
Madaxweyne Biixi oo kulan la yeelanaya madaxda ururrada siyaasadda berri Isniinta




Kulanka ayaa lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo khilaafka taagan iyo furista ururrada siyaasadda oo ay si weyn uga soo horjeedaan labada xisbi mucaarad.
Kulanka Madaxwayne Biixi la qaatay madaxda ururrada siyaasadda berri ayaa ku soo beegmay maalin ka hor waqtiga loo ballansan yahay inay markale isa soo horfadhiistaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka oo qabsoomiddiisa loo qoondeeyey maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 12 July 2022.



