Ohio: Mudaharaadyada Gilgilay Akron, Bandoo lagu soo rogay iyo xaaladda

USA-(Berberanews)-Magaalada Akron ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah, waxaana lagu soo rogay bandow habeenimo ah bartamaha magaalada ka dib markii boqolaal dibadbaxayaal ah ay socod ku mareen wadooyinka si ay u cambaareeyaan dilka booliska uu u geystay nin madow ah.

Duqa magaalada Daniel Horrigan ayaa bayaan uu soo saaray 9pm-6 subaxnimo ku dhawaaqay Isniintii, isaga oo sheegay in mudaaharaadyo nabadeed oo lagu dalbanayo cadaaladda Jayland Walker ay sii korortay oo keentay “khasaare hantiyeed oo weyn”.

“Iyadoo la eegayo dhibaatadii dhacday iyo si aan u ilaalino nabada bulshadeena waxaan ku soo rogay xaalad deg deg ah, waxaan dhaqan galiyay bandow, waxaan baabiiyay rashkii caawa loo qorsheeyay in la qabto” ayuu yidhi Horrigan oo intaa ku daray in bandowga uu socon doono ilaa ogeysiis dambe.

Mudaaharaadayaasha ayaa isugu soo baxay Axadii si ay ugu baaqaan in cadaalada la horkeeno Walker, kaas oo ay booliisku si ba’an ugu toogteen todobaadkii hore magaalada Rust Belt oo ah dhacdo kale oo booliisku u geysteen dad madow ah oo ku nool Maraykanka.

Waxay ahayd mudaaharaadkii afraad – iyo kii ugu waynaa – maalmo badan gudahood, wuxuuna yimid saacado ka dib markii la sii daayay muuqaalka kaamirooyinka ee dilka Walker, oo muujinayay bilayska oo ridaya tobanaan xabbadood markii ay ku daba jireen 25-jirka ka dib markii uu ka cararay goob taraafikada ah.

Booliisku waxay sheegeen in Walker uu hanjabaad dil ah u geystay askarta. Laakiin u doodayaasha ayaa sheegaya in dilka uu ahaa mid aan xaq ahayn, iyadoo Derrick Johnson, oo madax ka ah ururka xuquuqda madaniga ah ee Maraykanka ee saamaynta ku leh Ururka Qaranka ee Horumarinta Dadka Midabka leh (NAACP), uu ugu yeedhay: “Dilka Farta madhan.”