Wasiir Kaahin: “Cabdiraxmaanow waxaan idiin sheegayaa in aydaan ahayn masuuliyiin qaran”

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku eedeeyey madaxda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI in aanay ka muuqan masuuliyad qarannimo, isla markaana diyaar u ahayn danta qaranka iyo wanaagga Somaliland.


Wasiir Kaahin oo ka hadlay xaflad lagu soo bandhigay buug laga qoray taariikhda madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa xalay, ayaa ku dhaliilay madaxda WADDANI in aanay diyaar u ahayn in nabad iyo degaansho masuuliyadeed lagu dhammeeyo khilaafyada doorashooyinka iyo arrimaha siyaasiyeed ee dalka ka taagan.
“Cabdiraxmaanow waxaan idiin sheegayaa in aydaan ahayn masuuliyiin qaran.
Arrimaha laga hadlayo waxa ka mid ah in aydaan nabadda diyaar u ahayn, in aydaan siyaasadda daganaashaheeda nabad u ahayn, in aydaan xaaladda siyaasadda ee dalka nabad u ahayn, masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonayana aydaan ahayn,” ayuu yidhi Kaahin.

Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo qaar ka mid ah taageerayaasha WADDANI oo goobta fadhiyey ku oriyeen markii makarafoonka hadalka lagu soo dhoweeyey, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay diyaar u tahay wadahadal dhexmara xisbiyada mucaaradka, isaga oo dhanka kalena maxda xisbiga ku eedeeyey masuul ka yihiin sawaxan iyo daganaansho la’aan xooggan oo xafladda hadhaysay.
“Annagu xukuumad ahaan waxaannu diyaar u nahay in ay dadku wadahadlaan, oo xisbiyada qaranku wadahadlaan… laakiin waxaannu ka xunnahay in taariikhdii Cabdiraxmaan Axmed Cali muran iyo maamul xumo lagu sameeyo.”

“Madaxda WADDANI waa ku ceeb inay taageerayaashii xisbiga xafladda keeneen oo   ay qayliyaan. Saaxiibbayaal, waxaan diyaar u ahay in aad xafladda qaylo ku dhammaysaan. Way dhici karaysaa in aan 200 inan oo KULMIYE taageeraya meel isugu keeno oo ay idinku qayliyaan, waanaan aqbalayn,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin oo si weyn uga cadhooday qaylada taageerayaasha Xisbiga WADDANI.
Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Xannaanada Xoolaha iyo Warfaafinta oo munaasibadda bandhigga buugga laga qoray Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) lagu martiqaaday, ayaa taageerayaasha xisbiga WADDANI oo madasha xafladda buuxiyey ku qayliyeen intii ay hadlayeen.