kulan dhexmaray ururrada bulshada rayidka ah iyo Hay’adda Tamarta Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Masuuliyiin ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan-hawleed la yeeshay madaxda Hay’adda Tamarta Somaliland maanta.

Ujeeddada kulanku waxa ay daarranayd sidii la isaga xog-waraysan lahaa xaaladda korontada Somaliland iyo sidii xal la isla wada oggol yahay loo gaadhi lahaa.

Ururrada Bulshada Rayidka Somaliland waxa ay ugu baaqayaan Hay’adda Tamarta, shirkadaha bixiya korontada iyo dhammaan hay’adaha dawliga ah ee ay khusayso in si lexejeclo ku dheehan tahay looga wadahadlo adeeg-bixinta korontada, isla markaana la gaadho heshiis ku salaysan danta muwaadiniinta iyo waayaha adag ee dalku marayo.

Waxa iyana xaqiiq ah in miciishadda sii kordhaysa ay khatar ku tahay nolosha muwaaddiniinta, sidaa awgeed waa in xukuumadda, ganacsatada iyo cid kasta oo arrintani khusayso ay mudnaanta kowaad  siiyaan sidii loo ikhtiraaci lahaa xuluul lagula tacaalo korodhka miciishadda.