Guddoomiyaha UCID oo xaqiijiyey in madaxda xisbiga WADDANI haysto malleeshiyo hubaysan

Hargeysa  -(Berberanees)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali-Cali-waraabe, ayaa sharci-darro aan la aqbali karin ku tilmaamay furista urrurada siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo sheegay in aannu jirin sharci loo cuskado.
Guddoomiyaha UCID oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa markale ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi in uu samaystay sharci aan sax ahayn, oo uu urrurada siyaasadda ku furayo iyo inuu siyaasiyiin uu wato ku boorriyo in ay ururro furtaan.

“Hadda waxa uu keenay inuu samaysto sharci odhanaya anna waan joogayaa, axsaabtana waan baabiinayaa. Meel ay ku taal ururro toos ah oo la furayaa ma jirto, waad aragteen dadka uu kiciyey ee magacyadii hoobollada la baxay ee yidhi urruro ayaannu nahay,” ayuu yidhi Faysal.
Sidoo kale, ururrada cusub ee siyaasadda ayuu ku eedeeyey inay dalka ka ololeyaal siyaasadeed iyaga oo aan wax sharci ah haysan, taas oo uu xusay inuu ku gacan-siinayo Xisbul-xaakimka KULMIYE ee talada Somaliland haya.
“Ragga ururrada ku dhawaaqay iyaga oo aan sharci haysan ayey ololaynayaan. Haddaad u fiirsataan xaflad kasta oo nimankaasi samaystaan, waxa soo dhowaynayaa waa reer KULMIYE. Madaxweynuhu axsaab aan jirin ayuu doonayaa in uu samaysto, sharci aan jirin ayuu doonayaa in uu isticmaalo,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu xaqiijiyey in madaxda xisbiga WADDANI ay haystaan malleeshiyo shacab ah oo hubaysan, kadib markii siduu sheegay ay amnigooda baqeen.
Hadalka Faysal Cali-waraabe ayaa sii xoojiyey eedaymo ciidanka Booliska Somaliland ugu jeediyeen Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inuu ciidan-beeleed hubaysan ku ururinayo guriga uu ka deggan yahay xaafadda Hodan Hills ee bariga magaalada Hargeysa.