Kenya oo war cusub kasoo saartay xiisadda Calanka Somaliland ee Somalia ka cadhootay

Kenya-(Berberanews)-Kenya ayaa warqad u dirtay Soomaaliya sid ay uga xuntahay in si aan ku talagal ahayn oo aan munaasib ahayn looga taagay calanka  Somaliland munaasibad madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku casuumay safiirrada dalkiisa ku sugan

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur ayaa  isaga baxay shirka diblomaasiyiinta ee ka socday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waraaqdeeda, wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay ku sheegtay inay dib u xaqiijinayso “in ay aqoonsan tahay madax-bannaanida hal dowlad oo federaal ah oo Soomaaliya ah iyo jiritaanka dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee federaalka ah”.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii inkastoo aanu aqoonsanayn caalamku. Waxay u shaqaysaa sidii qaran leh – Baasaboor, lacag, calan, dawlad iyo ciidan u gaar ah.

Qoraal ay soo dhigtay Sonaliland barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibadda ku sheegtay in ay ka xuntahay falkii uu safiirka Soomaaliya ka sameeyay munaasabadda. “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan, oo dimuqraadi ah, ku taamaaya inuu nabad iyo xasillooni  kula noolaado dalalka aynu jaarka nahay ee ay Soomaaliya ku jirto,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.