Qodobadda heshiis dhexmaray Somaliland iyo Beesha Warsangeli

Ceerigaabo -(Berberanews)- Shirkii Beelaha Warsangali ugu socday magaaladda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo ay ku heshiiyeen madaxda bulshada ee beeshaas iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.


Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Jibriil oo akhriyey qodobadda ka soo baxay shirka Mideeye ee Beesha Warsangeli, ayaa sheegay in heshiiskan oo ka kooban toddoba qodob oo dhinacyo kala duwan taabanaya uu salka ku hayo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangali.


Bayaan lagu soo bandhigay qodobadda heshiiska dhexmaray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangali waxa uu u qornaa sidan:
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Warsangeli ee Shirka Mideeye, laguna qabtay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo intii u dhexaysay 01/06/2022  ilaa 15/06/2022, shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dhammaan salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Beelaha Warsangeli,  laguna gorfeeyay arrimaha siyaasiyeed, nabadgelyo iyo horumarineed ee Beelaha Warsangeli ee Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha dawladda, amniga, caddaaladda, horumarinta kaabbayaasha dhaqaale iyo awood-qaybsiga Beelaha Warsangeli iyo Xukumadda Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangeli waxay ku heshiiyeen qodobaddan hoos ku qoran:
1. Beesha Warsangeli waxay si buuxda uga mid tahay, kana mid ahayd beelaha Jamhuuriyadda  Somaliland, waxayna la wadaagtaa dhib iyo dheefba sida nabadgelyada, horumarinta arrimaha bulshada, kaabbayaasha dhaqaalaha iyo difaaca Qaranka.
2. Xukuumadda Somaliland waxay ballan-qaadday dhismaha kaabbayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada  sida dayactirka Dekedda Laasqoray iyo dhismaha waddada Ceerigaabo-Badhan, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, iwm.
3. Xukuumadda Somaliland waxay dib-u-eegis iyo tixgalin siinaysaa tabashada  Beesha Warsangeli ee Waaxda Fulinta.
4.  Dawladda Somaliland waxay aqbashay in degmada Dhahar loo magacaabo Gobol, iyada oo loo raacayo nidaamka Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka, wixii khuseeya degmooyinka waxa u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida degmooyinka cusub, dallacsiinta degmooyinka hore, iwm.
5. Xukuumadda Somaliland iyo Beesha Warsangali oo ay hoggaaminayaan salaadiinta, cuqaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelaha Warsangeli waxay si wadajir ah uga shaqaynayaan fidinta maamulka dawladda Somaliland ee deegaannada beeshu degto.
6. Xukuumadda Somaliland waxay garowsatay in Beesha Warsangeli ka qaybgasho hoggaaminta bahda garsoorka ee Somaliland.
7. Xukuumadda Somaliland waxay tixgalinaysaa in Beelaha Warsangeli laga siiyo saami shaqaale hay’adaha dawladda Somaliland.
8. Fulinta heshiiskan wuxuu dhaqan-galayaa maalinta la saxeexay, waxaannu dhammaystirmayaa 5 bilood gudahood.”