Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Itoobiya

Gondor -(Berberanews)-Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qarax bambaano oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya shalay.
Qaraxan ayaa ka dhashay, kadib markii ciidammada ammaanku isku dayeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad iyagoo hubaysan la xidhay, sida ay sheegeen booliska Itoobiya.
Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Dessie ee Gobolka Axmaarada maalintii Isniinta.
Sida laga soo xigtay ciidammada booliska ee magaalada Dessie, afar qof oo ay ku sheegeen budhcad ayaa la qabtay, waxana la geeyey saldhigga booliska ah, balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen.
Laba ka mid ah ciidammada amniga iyo saddex qof oo maxaabiis ah ayaa ku dhintay qaraxa, kaas oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas.

Olole ay masuuliyiintu ugu magac-dareen Hawlgalka Sharciga, ayaa lagu xidhay in ka badan 6000 qof oo ku nool Gobolka Axmaarada.
Waxa lagu soo warramayaa in iska horimaadyo u dhexeeya ciidammada ammaanka iyo kuwa ka soo horjeeda hawlgalkaas uu ka dhacay degaanno dhowr ah oo ka tirsan Itoobiya.