Nairobi: Somaliland oo si adag uga hadashay Safiirka Somalia ee Kenya oo cadho kaga baxay kulan

Hargeysa – Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa adag uga hadashay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo nacayb iyo cadaawad uu u qabo Somaliland darteed uga baxay shir uu Madaxweynaha Kenya la yeeshay maanta safiirrada beesha caalamka u jooga dalkaas oo Wakiilka Somaliland ka mid noqday.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland caawa, waxa si cadho leh loogu cambaareeyey ficillada uu sameeyey danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaas oo ka baxay shir uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta isugu yeedhay safiirrada caalamka ee ku sugan Nairobi, kadib markii uu kulankaas ku dhex arkay masuuliyiin matalayey Jamahuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa carrabka ku xejisay in tallaabadaasi caddayn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland yahay dal madaxbannaan oo dimoqraadi ah, isla markaana doonaya inuu si nabad ah kula noolaado waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.
Dhanka kale, dawladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ka bixitaankii safiirkooda Nairobi kulan ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya maanta.
War ka soo baxay Safaaradda Somaaliya ee Nairobi, ayaa ku eedeeyey dawladda Kenya inay si ula-kac ah shirka safiirrada caalamka ee maanta ugu martiqaadday qof ka socday Jamhuuriyadda Somaliland oo maamulka taagta daran ee Muqdisho ku andacoodo inuu yahay gobol ka tirsan Soomaaliya.
Safaaradda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedaysay dawladda Kenya in arrintaas loola dan lahaa in xurmo isku mid ah la siiyo Safiirka Soomaaliya iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee kulanka safiirrada lagu wada casuumay, taasina keentay in Danjire Tarsan cadho kaga baxo shirka Madaxweynaha Kenya ku martiqaaday diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkiisa ku sugan.
Dawladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dhiggeeda Kenya inay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in xukuumadda Nairobi u geysatay madaxbannaanida Soomaaliya.