Xisbiyada Mucaaradka oo ku dhawaaqay inay joojiyeen muddaharaadkii berri Sabtida

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xasan, ayaa ku dhawaaqay inay si ku meelgaadh ah u galiueen mudaharaadkii loo ballansanaa sabtida berri.

“Inta Muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno muddaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in guddigii na dhexdhexaadinayey ay naga codsadeen maalmo kooban in aannu hakinno muddaharaadka, sidaa darteed waxaannu fursad kooban siinaynaa inta wanaagga na dhex wada.
Haddii wada-hadalka iyo dhexdhaxaadintu ay midhodhal noqon waydo waxaannu sii wadaynaa muddaharaadada aannu ku muujinayno wax aannu diidanay.” sidaa waxa yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.