Somaliland: Muddaharaadyadii xisbiyada mucaaradku qorsheeyeen Sabtida berri oo la hakiyey

Hargeysa -(Berberanews)- Guddi culus oo isu xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka cakiran ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku guulaysatay in ay xisbiyada mucaaradka ku qanciyaan joojinta muddaharaadyo ay taageerayaashooda gobollada dalka ugu baaqeen in ay isugu soo baxaan Sabtida berri.
Sidoo kale, Guddida Dhexdhexaadinta, ayaa sheegay in madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ka oggolaadeen codsi ay kaga dalbadeen inay miiska wadahadallada ku soo noqdaan.
Afhayeen u hadlay guddida isu xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in kadib shirar ay la galeen madaxda mucaaradka ay ku heshiiyeen, in la joojiyo muddaharaadkii la qorsheeyey maalinta Sabtida, in miiska wadahadallada lagu soo laabto iyo in la joojiyo hadallada xanafta leh ee labada dhinac warbaahinta isu marinayaan.
“Waxay isla garteen in laysugu yimaad miiska wadahadalka, iyada oo la ixtiraamayo Dastuurka qaranka iyo Shareecadda Islaamka, in la hakiyo muddaharaadkii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku inta ay socoto dhexdhexaadintu, in la joojiyo hadallada xanafta leh ee keenaya kala fogaanshaha,” ayuu yidhi Afhayeenka Guddida Dhexdhexaadinta.
Waxa uu intaas ku daray, in labada xisbi mucaarad kalsooni buuxda ku siiyeen ka-odayeynta khilaafka taagan, sidoo kalena ka dalbadeen xukuumadda in ay joojiso xadhigga masuuliyiinta mucaaradka inta wadahadalladu socdaan.
Waxa kaloo Guddidu ugu baaqeen shacabka reer Somaliland inay isdejiyaan, kana fogaadaan wax kasta oo xiisadda khilaafka sii xumayn kara.
Guddida Dhexdhexaadinta oo ka kooban in ka badan 30 xubnood oo isugu jira salaadiin, culimo iyo ganacsato ka kala yimi dhammaan gobollada dalka Somaliland, ayaa sheegay in ay dhinaca xukuumadda ku horreeyeen, laakiin uu muddaharaadku dhacay iyaga oo shir kula jira saraakiil xukuumadda ka tirsan gelinkii hore ee Khamiista, sidaasna uu kulankii ku istaagay.
Guddida oo hadda ka kooban 31 xubnood oo iskood isu xilqaamay, ayaa sheegay in ay sugayaan ergooyin kale oo caasimadda Hargeysa ku soo wajahan saacadaha soo socda.