Madaxweyne Biden oo sarkaal cusub u magacaabay Taliska Ciidammada AFRICOM

USA-(Berberanews)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa u magacaabay Jeneraal Michael Langley maanta hoggaaminta taliska ugu sarreeya Ciidammada Maraykanka ka jooga Afrika iyo Jarmalka ee AFRICOM.

Golaha Guurtida Maraykanka ayaa laga sugayaa in ay aqbalaan go’aanka Madaxweyne Biden Taliyaha cusub ugu magacaabay Taliska AFRICOM.
Jeneraal Michael Langley waxa uu ka horjeedaa in in ciidammada Maraykanka ay ku lahaadaan Djibouti saldhig millatari, iyada oo cadawgooda Shiinaha isna uu ku saldhig la mid ah ku leeyahay Djibouti.

Michael Langkey, waxa uu beddeli doonaa General Stephen Townsend oo hadda ah sarkaalka ugu sarreeya ciidammada Maraykanka ka jooga Afrika.