Xukuumadda Somaliland oo sharci-darro iyo fawdo ku tilmaantay muddaharaadka mucaaradka

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeedsatay mudahaaraad sharci-darro ah oo xisbiyada mucaaradku ka sameeyeen qaybo kooban oo ka mid ah caasimadda Hargeysa saaka.
Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Xannaanada Xoolaha  Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo  Siciid Sulub Maxamed oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa sharci-darro iyo fawdo aan la aqbali karin ku sifeeyey muddaharaad xisbiyada mucaaradku ka dhigeen qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa iyo mid kale oo ay taagaraashooda ugu baaqeen Sabtida soo socota.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay muddaharaad kooban, isla markaana khasaare nafeed sababay oo ay axsaabta mucaaradku ka sameeyeen caasimadda Hargeysa saaka, isagoo sheegay in loola dan lahaa in nabadgalyada lagu khalkhal geliyo.

“Muddaharaadka saaka Hargeysa ka dhacay, waa muddaharaad ka soo horjeeda dhammaan shuruucda dalka, waa muddahraad masuuliyiinta hoggaaminayey ee xisbiga WADDANI – musharrixii madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga iyo masuuliyiinta kale ee la socdayba – loola jeeday in Somaliland daganaansho la’aan ka dhacdo,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sharci-darro kale ku sifeeyey muddaharaadyada ay mucaaradku ugu baaqeen taagaraashooda in ay isugu soo baxaan maalinta Sabtida ee 11 bishan June.

“Maanta muddaharaadka dabadii shirkii jaraa’id ee ay qabteen mucaaradku ee Cabdiraxmaan Cirro ka hadlayo, ee uu leeyahay Sabtida ayaannu dhammaan gobollada ka samaynaynaa muddaharaad, taasina waa sharci-darro kale oo ay ku dhawaaqayaan.”

Wasiirka Daakhiliga ayaa faray ciidammada kala duwan ee dalka inay tallaabo ka qaadaan oo ka hortagaan muddaharaadka ay mucaaradku qorsheeyeen in uu ka dhaco dhammaan gobollada Somaliland maalinta Sabtida, isagoo sheegay in uu yahay sharci-darro aan loo marin waddo sax ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo isna shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mudaharaadka saaka dhacay, isagoo sheegay in mucaaradku doonayeen in dad ku dhintaan..