“Xadhig iyo Xabad iga joojin mayso in aan xaqa sheego.” Xildhiban Batuun

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, oo saaka ku dhaawacmay rasaas ay ku rideen ciidammada Booliska Somaliland mudaharaad kooban oo masuulliyiinta Waddani horkacayaan, ayaa sheegay inaanay xadhig iyo xabbadi toona ka joojin doonin rabitaankooda.

“Xabadda lugta la igala beegsaday waxa aan u fahmay in la rabay inaan naafo noqdo oo lugaha aan xaqa iyo xuquuqda muwaadiniinta ku baadi-goobayo la iga curyaamiyo balse may dhicin oo Alle ayaa i bad-baadshay Alxamdullilaah!
Xadhig iyo Xabad iga joojin mayso in aan xaqa sheego.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah masuulliyiin ku dhaawacmay mudaharaadkii saaka ka dhacay Hargeysa.