Amar Ka Soo Baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Hargeysa-(Berberanews)-Amar kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu ogaysiiyay Guddoomiyayaadha Gobollada iyo Bileysku inaan la ogolayn mudaharaadka Mucaaridka,islamarkaana lagu faray inay ammaanka ilaaliyaan.

Wareegtadaasi waxay u qornayd sidan:-
KU:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA &
        DEGMOOYINKA DALKA JSL                 =XARUMAHOODA=
KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL    =HARGEYSA=
OG:- WASIIRKUXIGEENKA W.ARR. GUDAHA EE ARR.AMNIGA      =XARUNTA=
OG:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND.

UJEEDO:- SUGIDA ADKAYNTA NABADGALYADA 

SIDA AAD LA SOCOTAAN WAXAA MAANTA OO AY TAARIIKHDU TAHAY 09/06/2022/./ UU MUDAHARAAD LAGA SAMEEYAY CAASIMADA HARGEYSA/./MUDAHARAADKAAS OO AH SHARCI DARO/WAX OGGOLAANSHIYO AHNA AANAY KA HAYSAN WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA/./HADDABA IYADA OO AAN KA DUULEYNO SUGIDA AMAANKA DALKA/./WAXAA JIRTA IN XISBIGA WADANI MAS’UULKOODU UU KU DHAWAAQAY IN MAALINTA SABTIDA AH UU MUDAHARAAD LA ISKUGU SOO BAXO/./SIDAAS DARTEED/./DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA & DEGMOOYINKA DALKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND IYO TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA WAXAAN FARAYAA/./IN CIDII ISKU DEYDA MUDAHARAAD BILAA SHARCI AH/./TALAABO SHARCIGA WAAFAQSAN AAD KA QAADAAN/./IYADOO DALKAN AAN LOO OGGOLAYN WAX QALALAASE AMA AMNI DARO AH/./WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL/MAXAMED KAAHIN AXMED/./

ALLAA MAHAD LEH

MAXAMED KAAHIN AXMED
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.