Nigeria: Dablay Hubaysan oo 50 qof ku dilay Kaniisad

Nigeria-(Berberanews)-50 meeye qof oo ku cibaadaysanayay kaniisada St Francis Catholic Church ee ku taal Owo, koonfur-galbeed Nigeria, ayaa la dilay.

Niman hubaysan oo ka soo baxay albaabada kaniisada abaare 11:30 ee Axadii, waxay dab qabadsiiyeen dad badan oo urursan.

Markii dadkii cibaadeysanayay ay u yaaceen labada bannaan ee kale ee fowdada, ayaa waxaa la kulmay rag kale oo hubeysan, waxaana xigtay rasaas badan oo xooggan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof oo meyd ah – oo qaarkood ay carruur ahaayeen – ay daadsan yihiin dabaqyada kaniisadda, halka in badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobtoi allabariga dusheeda waxaa ku yiil dhiig, dhulkana waxaa qulqulayay dhiig, oo meydad baa daadsanaa.

Ilaa hadda ma cadda tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.

Laakiin hoggaamiyaha kiniisadda Catholic Diocese ee Ondo ayaa sheegay in kaniisadda, oo ah mid ka mid ah kaniisadaha ugu waaweyn ee gobolka Ondo, ay qaadi karto ilaa 1,200 oo qof.iyadoo ay buuxday xilliga weerarka.