Berbera: Wefti ka socda 17 dal oo booqday Dekedda Berbera

Berbera-(Berberanews)-Wefti ballaadhan oo ka socda 17 dalal Yurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika ka kala socda ayaa maanta gaadhay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed C/laahi Ducaale oo hoggaaminaya weftigan, ayaa booqday Dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa xogwaran siiyay weftigan ku saabsan shaqada Dekedda Berbera.
“Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda Berbera, wefti balaadhan oo ah Khubarro kala duwan oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo sharci yaqaanno caalami ah, kuwaas oo ka kala socda 17 dal oo ku kala yaala Yurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika.
Weftigan oo uu hogaaminaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed C/laahi Ducaale.
Weftiga xog-warran kooban baannu ka siinnay Horumarka ay ku talaabsatay Dekedda Berbera iyo waliba hiigsiga mustaqbalka dhaw.” Sidaa waxa yidhi Maareeye Siciid.