Magangelyo-doon Uk u rarayso Rwanda oo cunnada ka soomay

Uk-(Berberanews)-Magangalyo doon ku sugan xarunta lagu hayo socdaalka ee UK ayaa sheegay inay cunnada ka soomeen ka dib markii loo sheegay in loo musaafurin doono Rwanda.

Toddobo iyo toban magangalyo doon ah oo ku sugan xarunta xabsiga Brook House ee u dhow garoonka diyaaradaha ee Gatwick, Sussex, ayaa BBC u sheegay jawi murugo iyo quus ah oo ka dhex jira maxaabiista.

Bishii Abriil dawladdu waxay ku dhawaaqday inay qorshaynayso inay qaar ka mid ah magangalyo-doonka u dirto Rwanda.

Laakiin Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK ayaa sheegay in daryeelka maxaabiistu ay tahay “muhiimadda ugu badan”.

Xoghayaha Arimaha Gudaha Priti Patel ayaa sheegtay in duulimaadka ugu horeeya ee masaafurinta, si ay u qaado dadka ku yimid UK fasax la’aan, ay baxaan 14 June – todobaad ka dib marka ugu horeysay ee lagu dhawaaqay.

Ka dib markii la soo saaray sharciga jinsiyadda iyo xuduudaha bishii Abriil, dawladdu waxay u wareejin doontaa “dal saddexaad oo ammaan ah” – Rwanda – mas’uuliyadda bixinta magangalyada kuwa ku yimaada Boqortooyada waddooyinka aan caadiga ahayn, sida in ay uga gudbaan Kanaalka Ingiriiska iyagoo raacaya doon ay ka soo raacan France.

Qiyaasta in magangalyo-doonahan loogu duuliyo Rwanda 4,500 mayl (7,240km) ayaa qayb ka ah heshiis £120m ($151m) oo lala galay waddanka badhtamaha Afrika.

Mid ka mid ah magangalyo-doonka ayaa sheegay inuu ka mid ahaa koox 17 ah oo soo afjaray cunto-joojin shan maalmood ah fiidnimadii Arbacada, ka dib markii waardiyayaashu ay joojiyeen inay sonkor ay ku qasaan biyahooda iyagoo ka fogaanaya cuntada.

Cali, oo sheegay inuu qoys ku leeyahay UK, ayaa BBC u sheegay in kulankii u dambeeyay ee uu la yeeshay saraakiisha socdaalka uu ku saabsanaa sidii loo joojin lahaa cunto ka soomida. “Waxa ugu dambeeya ee ay igu yidhaahdeen waxay ahayd ‘cun si aad u raacdo diyaaradda adigoo caafimaad qaba’.”

Dadka cuntada ka soomay waxaa ka mid ah magan-galyo doon Masaari ah, oo ka mid ahaa dad lagu qiyaasay 100 qof oo soo galeyti ah oo wasaaradda arrimaha gudaha ku wargelisay in loo musaafurin doono Rwanda.

Hal koox ayaa heshay ogeysiis raritaan Arbacadii oo ku saabsan duulimaad 14 ka june ah.