“Ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya” WADDANI.

Hargeysa -(Berberanews)-Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI,  Khadar Xuseen Cabdi, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay noloshii ku qaaliyowday, isla markaana waxa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu aaminsan yahay in wax mushkilad ahi anay jirin.

Waxaanu yidhi.”Maanta dadkeena biyihii ayaa ku qaaliyoobay, laydhkii ayaa ku qaaliyoobay, maciishadii ayaa ku qaaliyowda, ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya, muusig la yidhaa dalkii wuu barwaaqoobay ayaa u baxaya, muusiga la yidhaa mushkiladiba ma jirto ayaa u baxaya”.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi iyo noloshii ay kala go’een, isaga oo tusaale usoo qaatay qudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Qudbadii ugu danbaysay ee uu madaxweynuhu ka jeediyay golaha wakiilada wuxuu yidhi, ‘waddanka sicir bararba kama jiro’, qudbadaasi waxay muujisay in madaxwaynaha iyo noloshii kala go’day, oo madaxweynuhu waddanka waxa ka socda aanu war ka haynin”

Somaliland ayaa caalamka badankiisa kala siman qiimaha maciishada oo kor u kacay tan iyo markii uu dilaacay caaqabuqa Covid-19, hadana dhaqaalaha iyo wax soo saarka oo aad u hooseeyay ayaa sababay in sicir bararku uu reer Somaliland si gaar ah u saameeyo, sida ay sheegtay Rugta ganacsiga ee Somaliland.