Shiinaha oo diyaarado dagaal u diray Taiwan iyo Mareykanka oo si weyn isha ugu haya

Tipie -(Berberanews)-Wasaaradda Difaaca ee Jamhuuriyadda Taiwan, ayaa shaacisay maanta in 30 diyaaradood Shiinuhu leeyahay oo saddex-meelood laba ka mid ah yihiin kuwa dagaalka ay galeen dhanka koonfur-galbeed ee aagga difaaca hawada Taiwan shalay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay inay diyaarisay gantaallada difaaca hawada si ay uga jawaabto daandaansiga Shiinaha.

Taiwan oo ah jasiirad ka madaxbannaan maamulka dalweynaha Shiinaha, ayaa xidhiidh aad u dhow la leh Maraykanka oo si buuxda ugu ballanqaaday inuu ka difaaci doono duullaan kasta oo Shiinuhu ku soo qaado dhulkooda.
Beijing ayaa ku andacoonaysa in Jasiiradda Taiwan oo ah dawlad iyadu iskeed isu maamusho ay ka tirsan tahay dalka Shiinaha.
Arrintan ayaa ku soo beegantay wax yar kadib markii Mareykanku si cad u sheegay in uu difaaci doono Taiwan haddii Shiinuhu duullaan ku qaado.
Jasiiradda Taiwan ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi oo aad u ballaadhan la leh Jamhuuriyadda Somaliland oo ay duruufo badan oo caalami ah wadaagaan.