Maraykanka oo ergey cusub u magacaabay Geeska Afrika

WASHINGTON —(Berberanews)-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mr. Antony Blinken, ayaa diblomaasiga Mike Hammer u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Gobolka Geeska Afrika, kaas oo beddeli doona David Satterfield oo xilkaas iska casilay bishii April ee la soo dhaafay.
“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu beddeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika,” ayuu yidhi Blinken.
Xoghaye Blinken waxa uu xusay in magacaabista danjire Hammer hoosta ka xarriiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblomaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhaqsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.
“Maamulkani waxa uu si adag diiradda u saarayaa joojinta colaadaha, gargaarka bani’aadantinimo oo aan la carqaladayn, baadhitaanno hufan oo ku saabsan xadgudubyada iyo ku xadgudbidda xuquuqul insaanka ee dhammaan dhinacyada Itoobiya iyo in wadaxaajood lagu xalliyo colaadda,” ayuu Blinken ku yidhi Bayaan uu soo saaray.
Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika, David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed ka taagan yahay Gobolka Geeska Afrika.