“Lixda bilood ee ugu dambeeya ayuu liisanku ka dhacayaa xisbiyada” Cabdillaahi Darawal

“Lixda bilood ee ugu dambeeya ayuu liisanku ka dhacayaa xisbiyada hadda jira. Waxa laysku hayaa waa sharci, juujuubna waxba lagu heli maayo. Waxa aannu ku doodaynaa sharciga ay xisbiyo ku noqdeen iyo go’aankii Maxkamadda Sare, waxaanay la tartamayaan ururrada cusub. Waxa aannu ku doodaynaa Xeer 14 oo ay xisbiyo ku noqdeen saddexdan xisbi. Hadday yidhaahdaan lama fulinayo lagama yeelayo. Laakiin maalin walba muran ayaa lala soo taagan yahay oo la leeyahay doorashada Madaxtooyada hala qabto, taasna waxaannu leenahay haloo daayo hay’adaha sharciga ee shaqada ku leh murankan taagan.
Nabadgelyada dalka cidna laga baryi maayo, maalin walbana ninka kursiga saaran ayey saaran tahay, hadduu duminayo iyo haddii uu hagaajinayo. Dadkaas masaakiinta ee ka soo hadhay abaartii iyo sicir-bararka inta yar ee haystaan yaan laga boobin. Dad muddaharaad garanaya ma nihin nin waliba wuu ka faa’iidaysan karaa oo.dan lihi, Ioomana fasaxi karo, intaa yar ee aynu ku faanayno ayaa inanga baabi’ karta, masuuliyadda muddahraadkana waxa qaadaya kuwaa dhigay.”