Ciidanka Maraykanku u tababaro Soomaaliya oo iyagu dhexdooda dagaallama

Warbixin daaha rogtay in Ciidanka Soomaaliya ay hubkii Mareykanku siiyey isu adeegsadeen, kadib markii ay kala jabeen

Muqdisho -(Berberanews)-Go’aanka uu Mareykanku ku gaadhay inuu 500 askari dib ugu celiyo Soomaaliya si ay uga qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab waa ifafaale caddeynaya taageerada dawladda madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Shaacinta waxa uu Hoggaanka Afrika ee Mareykanka (AFRICOM) ku tilmaamay “Joogista millateriga Mareykanka ee tirada yar,” wuxuu nafis u noqon doonaa dadka dalka Soomaaliya oo la dhibtoonaya weerarrada sii kordhaya ee argagixiso.
Ciidanka Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya waxa la dejiyey Jabuuti. Ciidammada dawladda federaalka Soomaaliya ee isbaheysigooda ayey noqotay in ay buuxiyaan kaalintii millatariga Amerikaanka ee ku soo bannaanaatay tan iyo go’aankii Trump.

‘Kumaandowska laga baqo ee Maraykanku u tababaro Soomaaliya’

Hase yeeshee, waxa su’aalo la iska waydiiyaa faa’iidada iyo khasaaraha ay keenayaan ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ka hawlgalaya.

Mararka qaar, Mareykanka ayaa tababar iyo qalab siiya ciidanka Soomaaliya ugu dambayntii ay hawshoodu noqoto inay iyagu iska soo horjeestaan.
Bishii December ee sannadkii 2021-kii, askar uu Mareykanku u tababaray la-dagaallanka argagixisada oo ka hawlgala Puntland ayaa laba garab u kala jabay.

Labadii dhinac ayaa bilaabay inay dagaal isaga soo horjeestaan, iyagoo isu adeegsanayay hubkii uu siiyey millateriga Mareykanka. In ka badan 20 qof oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu dilay dagaalkaas.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in Mareykanku aannu ahayn dalka keliya ee ajnabiga ah ee tababar iyo hub siiya ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya.

Kumaandowska tababarka ugu sarreeya ka qaata Mareykanka oo lagu magacaabo Danab ayaa ah kuwa loogu cabsida badan yahay gudaha Soomaaliya.

Inta badan waxay xirtaan maaskaro madow oo madaxa iyo wajigaba qarisa, marka indhaha laga reebo.

Ciidanka kale ee loo yaqaanno Gorgor ayaa iyagana xirfadaha ka barta millateriga Turkiga ee Muqdisho ku leh saldhiggooda ugu wayn ee dibadda ka ah dalka Turkiga.

Waddamada Imaaraadka Carabta, Qadar, Ingiriiska, Midowga Yurub, Eritrea, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo kuwo kale ayaa sidoo kale ku lug leh arrimaha la xidhiidha tababarka iyo taakulaynta ciidammada Soomaaliya.

Arrintani waxay horseedday in aannu jirin hannaan wada-shaqeyneed oo ay leeyihiin ciidanka dhexdooda. Mararka qaar ciidan uu dal ka mid ah waddamadaasi tababaray ayaa la safta urur-siyaasadeed gaar ah.

Bishii April ee sannadkii 2021-kii, dagaal xooggan ayaa ka dhex qarxay dhinacyo kala duwan oo ka mid ah ciidammada amniga ee ku sugan Muqdisho, taasoo keentay in laga walwalo inuu dalku dib ugu noqdo dagaalladii sokeeye ee horraantii sagaashanaadkii.

Saameynta bixistii askarta Mareykanka ee Soomaaliya:

Tirada weerarrada ay Al-shabaab gaysatay tan iyo markii Mareykanku la baxay askartiisa waxay gaadhay 2,072, halka ay markii hore ahayd 1,771. Waa korodh u dhigma boqolkiiba 17, sida ay sheegtay Xarunta Tababarrada Istaatiijiyadeed ee Afrika (African Center for Strategic Training).
Sidaas si la mid ah waxa boqolkiiba 32 kordhay dagaalka ay Al-shabaab la gashay ciidanka amniga. Bishii la soo dhaafay, saraakiisha ciidanku waxay sheegeen in 450 ka tirsan malleeshiyaadka Al-shabaab ay weerareen xero ciidanka Midowga Afrika ku lahaayeen degaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo dilay 40 askari oo ka soo jeeda Burundi.
Khabarrada Qarammada Midoobay ayaa Al-shabaab ku tilmaamay kooxda ugu taajirsan ee xulafada la ah Al-qaacida. Waxa xoogagga Al-shabaab lagu qiyaasaa 12,000 dagaalyahan, iyadoo bil kasta ay soo gasho laccag lagu qiyaaso $10 milyan.

Soo noqoshadooda maxay soo kordhin kartaa?

Samira Gaid oo ah madaxa hay’adda falanqeysa arrimaha amniga ee Hiraal oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa BBC Somali u sheegtay in guul Al-shabaab laga gaadho ay ka iman karto oo keliya ciidanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya, balse aanay ka iman doonin Mareykanka ama ciidanka kale ee ajnabiga ah ee hadda jooga dalka.

“Ciidanka Mareykanku waxay xaddidi karaan keliya dhaawaca ay Al-shabaab u gaysan karaan dawladnimada Soomaaliya mise amniga Geeska Afrika. Intaas ayey noo qaban doonaan,” ayay tidhi Samiira.

Kaalinta askarta Mareykanka:

Askarta Ameerikaanka ah waxay tababarro siinayaan ciidanka Soomaaliya ee loo qorsheeyay la-dagaallanka argagixisada, waxayna ku biirin doonaan talooyin, iyagoo kaalin ka qaadan doona abaabulkooda.

Ciidanka Mareykanku wuxuu fasax u haystaa inuu beegsado qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.
Duqaymihii Mareykanka ee hore waxay curyaamiyeen dhaqdhaqaaqii kooxda, waxayna ka hortageen dhaqdhaqaaqa hoggaamiyeyaashooda sare, taas oo adkeysay in ay qaadaan weerarro waaweyn.

Walaaca duqeymaha:

Waxa jira dad walaac ka muujiyey ku noqoshada millateriga Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo xusay in dad rayid ah ay dhibaato ka soo gaadhay duqeymaha diyaaradahooda duuliye-la’aanta la hago (drone).
Dad rayid ah ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka.” Sidaa waxa tidhi Xaliimo Axmed oo ah ardayad dhigata Jaamacadda Muqdisho, taas oo aabbaheed lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ay geysatay Al-shabaab bishii September ee sannadkii 2021-kii.
“In maska madaxa laga jaro waxay keeneysaa in masas badan ay soo baxaan,” ayey sii raacisay.

Xigasho BBC Somali.