Cabdirashiid Riyo-raac oo shaaciyey sababaha uu isaga casilay Komishanka

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyihii hore Guddiga Doorashooyinka Somaliland Mr Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac), ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu iska casilo xilkii iyo xubinnimadii Komishanka, xilli bilo ka hadhsan yihiin waqtiga loo muddeeyey qabsoomidda doorashada Madaxtooyada.
Mr. Riyo-raac, ayaa sheegay inuu isu casilay sabab la xidhiidha khilaafka daba dheeraaday ee ka dhex jira gudaha Guddida Doorashooyinka Somaliland.
“Waxa sababay iscasilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay,” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac oo warbaahinta la hadlay maanta.
Khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ku astaysan dabayaaqada sannadkan 2022 ayaa haatan meel sare gaadhay.