Madaxweynaha  Somaliland oo kulan la qaatay Ururada Rayidka ah

Hargeysa-30-05-2022-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la qaatay Ururada Rayidka ah ee Somaliland, Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka ku soo foolka leh, xoojinta nabad-gelyada iyo kaalinta Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin arrimaha Qaranka. Waxaanu Madaxweynuhu uga xog waramay xaaladda dalka, waxaanu soo dhaweeyey in Ururada Bulshada Rayidka ah qaataan kaalintooda waddaniyeed.