Diyaaraddii la waayay ee Nepal oo la helay goobta ay ku burburtay

Shaqaalaha gurmadka ee dalka Nepal ayaa ilaa hadda 14 meyd ah ka soo saaray goobta ay ku burburtay diyaarad yar oo siday 22 qof oo ku dhacday deegaan fog, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garoonka diyaaradaha.

“Baadigoobka kuwa kale waa uu sii socdaa,” ayuu yidhi Tek Raj Sitaula, oo ah afhayeenka madaarka caalamiga ah ee Tribhuvan ee caasimadda Nepal Kathmandu.

Ciidamada dalka Nepal ayaa isniintii muuqaal ahaan u helay goobtii ay ku burburtay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Nepal Axadii.

“Ciidanka goobidda iyo samatabbixinta ayaa muuqaal ahaan u helay goobta ay diyaaraddu ku dhacday. Faahfaahinta waa la raaci doonaa, ”Afhayeenka Ciidanka Nepal ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka.

Diyaarada Tara Air’s 9 NAET twin engine oo ay saarnaayeen 22 qof, oo ay ku jiraan afar Hindi ah, ayaa laga helay goobta ay ku burburtay tuulada Kowang ee degmada Mustang saacado ka dib markii lagu waayay degmada buuraleyda ah subaxnimadii Axadda.

Horaantii maanta, Ciidanka Nepal waxay yidhaahdeen, “Dadaalka samatabbixinta ee lagu raadinayo diyaaradda Tara Air ayaa dib loo bilaabay.”

Shalay oo Axad ahayd, dhammaan diyaaradihii helicobter-ka ee loo diray baaritaanka diyaaradda burburtay ayaa la joojiyay kaddib markii uu baraf ka da’ay degmada Mustang.

Sida laga soo xigtay xogta ay dadka deegaanka siiyeen ciidamada Nepal, diyaarada Tara Air ayaa ku burburtay afka wabiga Lamche ee hoos yimaada dhul go’a Manapathi Himal.

Afhayeenka ciidamada Narayan Silwal ayaa sheegay in ciidamada Nepal ay ka soo dhaqaaqeen dhanka dhulka iyo marinka hawada.