Nepal: Diyaarad dalxiis oo la la’yahay

Nepal-(Berberanews)-Diyaarad yar oo ay la socdeen 22 qof oo ku duuleysay goob caan ah oo loo dalxiis tago ayaa lagu waayay buuraha Nepal Axadii.

Diyaaradda Tara Airlines oo ku socotay 15-daqiiqo oo qorshuhu ahaa inay duullimaad ku tagto magaalada buuraleyda ah ee Jomsom, ayaa ka soo duushay Pokhara oo 200km (124 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Kathmandu.

Waxay lumisay xidhiidhkii taawarka garoonka wax yar ka dib markii ay ka duushay.
Sarkaal ka tirsan booliiska Ramesh Thapa ayaa sheegay in aanay jirin wax war ah oo ku saabsan diyaaradda Twin Otter, baadhitaanna uu socdo.

“Diyaarad maxali ah oo ku sii jeeday Jomsom oo ka timid Pokhara ayaa lumisay xidhiidhkii,” Sudarshan Bartaula, oo ah afhayeenka Tara Air, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Wuxuu sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen 19 rakaab ah iyo saddex shaqaale ah.

Phanindra Mani Pokharel, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegay in labo helikobtar la geeyay howlgal baadhitaan ah balse waxa uu intaa ku daray in muuqaalku uu yar yahay.