Ethiopia: Xadhiga lagu ugaadhsanayo saxaafadda oo todobaad gudihii gaadhay 15

Ethiopia-(Berberanews)-Labo wariye oo kale ayaa lagu xidhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, taasoo kordhineysa tirada suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ee la xidhay tan iyo todobaadkii hore oo ah 13 wariye.

Talaabadan ayaa dadka qaar u arkeen mid lagu baacsanayo codadka xasaasiga ah. Xardhiga dadkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu maamulka gobolka Axmaarada ka bilaabay wax uu ugu yeedhay “hawlgal sharci ah” oo kumannaan qof lagu xidhay.

Sannadkii hore kooxda u ololaynta ee fadhigeedu yahay Maraykanka, Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta, ayaa Itoobiya ku tilmaantay mid ka mid ah kuwa ugu xun ee xabsiga loo taxaabo.

Haddana xadhig cusub ayaa la arkay in ka badan 12 suxufi iyo shaqaale warbaahineed oo la xidhay muddo toddobaad gudihiis ah. Laakiin kaliya maaha saxafiyiinta kuwa la badhtilmaameedsanayo.

Isniintii, maamulka Amxaarada, oo ah gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen in ka badan 4,500 oo qof.
Waxaa ka mid ahaa hawl-wadeenno, ciidan iyo dabley, iyo aqoonyahanno. Xadhigga ayaa ilaa iyo hadda socday.

Af hayeenka Axmaarada ayaa BBC u sheegay in aanu haynin tiradii ugu dambeysay balse xafiiska amniga ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ku dhawaad ​​2,000 oo kale la xidhay. Waxay ku soo beegantay iyadoo laga walaacsan yahay in hawlgalka sii socda uu horseedi karo xiisado hor leh – iyo xitaa rabshado – waddan ay aafeeyeen dagaallo sokeeye iyo isku dhacyo isir.

Berberanews.com