Muxuu xilka ku waayay Wasiirkii Arrimaha Dibedda Soomaaliya?

Muqdisho -(Berberanews)Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaqada ka joojiyey maanta Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, kadib markii lagu helay inuu si fasaxay markab weyn oo dhuxul sharci-darro ah loogu iibgeeyey dalka Cummaan.

Ra’iisul-Wasaaraha ayaa go’aankan sabab uga dhigay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu fasaxday markab siday dhuxul si sharci-darro ah looga dhoofiyey Soomaaliya oo ku xidhnaa xeebaha dalka Cummaan.

Mr Rooble ayaa sheegay inuu sidoo kale baabi’iyay warqadaha Wasaaradda ee lagu fasaxay markabka, maadaama, buu yidhi, ay khilaafsan yihiin shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah halisna ku yihiin dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha ayaa faray xafiiska Hantidhowraha Guud iyo hay’adaha amniga in ay baadhitaan ku sameeyaan arrintan iyo sidii ay dhacday, una gudbiyaan hay’daha garsoorka ee ku shaqada leh.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo sidoo kale Rooble warqad uu soo saaray 14-kii bishan, uu ku baabi’iyey dhammaan shaqaalaha dawladda ee wasiirka uu beddelay ama shaqada ka qaaday laga bilaabo January 1, 2022, taas oo uu sheegay in aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirrada.
“Waxa la farayaa Wasiirka in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo hawlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqaynayeen si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yidhi warqaddaas.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisaciid Muuse ayaan si degdeg ah loo helin karin si uu uga jawaabo tallaabada ra’iisul wasaaraha iyo eedaha loo jeediyey.