Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo soo dhaweeyay wefti ka socda Baanka adduunka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Ganacsiga iyo Gamacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Siciid, ayaa maanta dalka kusoo dhaweeyay wafti balaadhan oo ka socda International Finance Corporation -World Bank Group .

Wasiirka oo weftigan soo dhawayntiisa ka hadlay ayaa yidhi,:-
“Waxaan  xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ku qaabiley wafti balaadhan oo ka socda International Finance Corporation -World Bank Group. Dalkana  ku soo dhaweeyay waftigaasi.

Waxaanu wada qaadanay kulan ujeedkiisu ahaa sidii loo abuuri lahaa mashaariico horumarineed oo ku saabsan  kobcinta dhaqaale iyo Ganacsatada Yaryar iyo fududeynta Adeegyada helitaanka maaliyadeed.

Waxa si gaara uga  hadalnay sidii loo casriyeyn lahaa adeegyada maaliyadeed ee Bangiyada iyo Haayadaha maaligalineed (Digital Finance Services).