Somaliland oo xidhay muwaaddin reer Jabuuti ah oo dhaliila Madaxweyne Geelle

Gabiley  -(Berberanews)-Ciidammada ammaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Aarre Sulayman Cowleed oo ah muwaaddin u dhashay dalka Jabuuti, kaas oo baraha bulshada ka dhaliila Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mr.  Aarre oo in muddo ku noolaa Somaliland, ayaa sida la sheegay waxa ay ciidammo boolis ah ka qabteen xalay guri ku yaal magaalada Gabiley oo uu hooyadii la deganaa sannadkii u dambeeyey.
Dawladda Somaliland ilaa hadda wax tafaasiil ah kama bixin xadhigga ninka reer Jabuuti iyo sababta loo xidhay toona.
Muwaaddinka Jabuutiyaanka ah ee ciidammada Somaliland xidheen oo hore ugu noolaa waddanka Faransiiska oo ay u deggan tahay xaaskiisa oo ah Faransiis, waxa uu caan ku ahaa inuu baraha bulshada si weyn uga dhaliilo maamulka dalkiisa hooyo iyo Madaxweyne Geelle oo uu ku tilmaamo kelidii taliye.
Muuqaal qarsoodi ah oo uu Mr Aare isaga soo duubay gudaha Saldhigga Booliska Gabiley oo uu ku xidhan yahay, ayaa ku sheegay in aannu garanayn sababta loo xidhay, isla markaana ka baqanayo in loo gacan-geliyo dawladda Jabuuti, wuxuuna shacabka reer Somaliland ka codsaday in ay badbaadiyaan.
“Waa Aare Sulayman Cowleed oo jeelka Gabilay ku xidhan oo wax loo soo xidhay aan garanayn, markaa, dee dadkuna ha i ogaadan. Waxa laygu xidhay waa waddankii abtiyaalladay, markaa sidii Qalbidhagax in aan la i gudbin, 4ta milyan ama 9ka milyan ee abtiyaaladay Isaaq dee ha ii sarakacaan maanta,” ayuu yidhi Aare.
Sidoo kale, muuqaal uu iska duubay hor intii aan la xidhin, waxa uu ku sheegay in dawladda Jabuuti ka codsatay Somaliland in la aamusiiyo oo aannu mar dambe gudaheeda ka soo dhaliilin madaxda Jabuuti.
“Saaka waxa i soo gaadhay farriin uu soo faray taliskii Jabuuti oo uu leeyahay, ‘ninka abtiyaaladiin baad tihiine ama muuqaallada ka joojiya, ama noo soo gudbiya’ reerahayagii Somaliland joogay ayaa lala soo hadlay,” ayuu yidhi.