Hargeysa: Xisbiga KULMIYE oo xaflad weyn ku xusaya sannad-guuradiisa 20-aad

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga Talada Somaliland ee KULMIYE,ayaa maalinta berri u dabaaldegaya 20 guurada kasoo wareegtay aas-aaskiisa.

Sida lagu sheegay martiqaad loo fidiyay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaa malainta Berri ah munaasibadda Xuska 20 guurada lagu qaban doona Hot Maansoor, Hargeysa.

“Taageerayaasha lagu marti-qaaday xafladda sannad-guurada 20-aad ee Xisbiga KULMIYE waxa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Huteelka Maansoor oo xafladdu ka qabsoomayso 7:30 subaxnimo ee berri Axadda oo taariikhdu tahay 22 May 2022.

Sidaa darteed, waxa taagereyaasha iyo marti sharaftaba lagu boorrinayaa inay waqtiga dhawraan.”