Wefti uu hoggaaminayo murashaxa WADDANI oo shil baabuur ku galay jidka Berbera iyo Burco

Burco-(Berberanews)-Cabdillaahi Cukuse oo ka badbaaday shil naxdin leh, kadib markii ay baabuurkiisa isku dhaceen xubno gaadhi kale oo weftiga WADDANI ah.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Xoghayaha gaarka ah ee Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Saalax Iidle & Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo gaadhi kula dhacay waddada u dhaxaysa gobollada Saaxil iyo Togdheer. Alle ayaa mahadleh shilkaas oo aha mid halis ah Alle waa ka nabadgaliyay halistu lahaa, saddexdoodii gaadhiga wada saarnaa iyo darawalkiiba wax dhaawac iyo waxyeello ah oo gaadhay haba yaraate ma jirto, marka laga reebo gaadhiga ay wateen oo burburay.

FG: Madaxdan ayaa qayb ka ahaa socdaal dhaqan uu Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ku tagay Gobolka Togdheer, xilliga shilku dhacayna waxay ku guda jireen socdaal ay Caasimadda  Hargaysa ugu soo laabanayeen.

Muniir Axmed Cigaal.
La-taliyaha Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.