Guddida Arrimaha Dibadda Senate-ka USA oo bogaadiyey booqashadii AFRICOM ee Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Guddida Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo bogaadiyey booqashadii weftiga Taliyaha Ciidanka AFRICOM ee Somaliland iyo kulamadii dhexmaray Madaxweyne Biixi, sidoo kalena sheegay in wufuud kale oo Ameerikaan ah degdeg u tegi doonaan Hargeysa.

War kooban oo ay soo dhigeen Barta Waaxda Arrimaha Debedda Maraykanka, ayaa u qornayd sidan: “Waan ku faraxsanahay inaan arko Amb. André & @USAfricaCommand Gen. Townsend oo u safray Hargeysa oo uu la kulmayo Madaxweynaha Somaliland @musebiihi. In badan ayaa laga wadahadli doonaa yoolalka diblomaasiyadeed, difaaca iyo dhaqaalaha ee la wadaago iyo fursadaha istaraatiijiyadeed. Waxaan rajeynayaa inay jiraan booqashooyin kale oo badan. dhawaan.”