TPLF oo ciidammada iyo shacabka Tigray ugu baaqday duullaan ka dhan ah dawladda Itoobiya

Maqalle -(Berberanews)-Hoggaamiyaha TPLF Mr Debretsion, ayaa ugu baaqay shacabka go’doonsan ee Gobolka Tigray inay u diyaargaroobaan duullaan cusub oo ka dhan ah dawladda Itoobiya.

Mr Debretsion oo la hadlay warbaahinta Tigray maanta, ayaa ciidammada iyo shacabka gobolkiisa ku amray inay isu diyaariyaan
duullaan culus uu ugu magac-daray ‘Cutubkii u dambeeyey ee halganka’ oo uu sheegay inay ku qaadi doonaan dawladda dhexe ee  dalka Itoobiya.
Hoggaamiyaha TPLF ayaa ku sheegay sababaha ku kelliftay inuu iclaamiyo dagaalka cusub ay tahay, maadaama uy weli go’doonsan yahay Gobolka Tigray, isla markaana aanay shacabku helin adeegyada nolosha ee aasaasiga ah, sida biyaha, korontada iyo waxyaabaha la midka ah.
Dawladda Itoobiya ayaa hore u sheegtay in Gobolka Tigray la gaadhsiinayo gargaarka degdegga ah iyo adeegyada aasaasiga ah ee  nolosha bulshada, balse hoggaanka TPLF ayaa geestooda marar badan ku celceliyey in weli xayiraad adag saaran tahay gobolkooda.
Geesta kale, dagaallo qadhaadh ayaa maalmihii la soo dhaafay dhexmaray xoogagga TPLF iyo ciidammada dalka Eritrea oo deris la ah Gobolka Tigray, kuwaas oo ku dagaallamaya degaanno lagu muransan yahay oo ku yaal xuduudda labada dhinac wadaagaan.
GobolkaTigray oo in badan ay ka socdeen dagaallo lagu hoobtay oo muddo sannad iyo badh ah u dhexeeyey ciidammada dawladda dhexe ee Itoobiya iyo fallaagada TPLF, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa ka taagan macaluul aad u xun, iyadoo inta badan gobolkaasi ay ka maqan yihiin adeegyada aasaasiga ah ee nolosha dadka.