Madaxweyne Biixi oo doqmo ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee u tartamaya Somalia

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u dhaliilay shaqsiyaadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka qaybgala doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaamacadda Hargeysa maanta, ayaa doqoniimo ku tilmaamay in dadka ka soo jeeda Somaliland ay u ordaan doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxay nacasnimo haysataa dadka Somaliland u dhashay ee dalkan magac ku lahaa ee qaarkood aabbayaashood magac iyo taariikh Somaliland ku lahaayeen, ee inta ay tageen Xamar yidhi waxaannu matalaynaa Somaliland, oo baarlamaanka ayaannu doonaynaa oo waannu codaynaynaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ogsoon yihiin, in shaqsiyaadka Somaliland ka soo jeeda ee doorashooyinka Soomaaliya ka qaybgalaya aanay cidna metelin.
“Xamar intaas oo caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyayaa oo xadiiska ayaa la akhriyayaa, intaas ayaana wanaagga la isfarayaa oo aqoon la leeyahay, haddana ka dhaariyey, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin, in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka Soomaaliya gelayaa aannu cidna metelin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ee ka qaybgalaya doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwa dooranaya aanay waxba is-dhaamin.

“Kuwa dadkaas doortay ee damiirkiisu kuwaas siiyey iyo ninka oggolaaday ee doonaya inuu masiirkiisa ka taliyo, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada ka soo gaadhana annaga nooma eersadan, oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan.”
Madaxweynaha ayaa waalli iyo riyo xaqiiqda ka fog ku sifeeyey in shaqsiyaad magaca Jamhuuriyadda Somaliland wata ay ka qaybgalaan doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Kuwa Somaliland ee ay ka mid yihiin kuwii Jaamacadda Hargeysa xaadh-xaadhay, ee aasaaskeeda lahaa, ee aabbahood tacliinta ku suntan yahay, ee intuu keligii Xamar tegay leh madaxweyne ayaa la ii dooranayaa anigu miyir qab uma arko,” ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland oo si gaar ah ula hadlayey Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid noqotay 39 siyaasi oo isku sharraxay xilka madaxtinimada Soomaaliya.