Shirkadda SOMPOWER oo $100,000 dollar ku wareejisay Guddida Gurmadka Suuqa Waaheen

Hargeysa  -(Berberanews)-Shirkadda adeegga korontada ugu weyn dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee SOMPOWER, ayaa qaadhaan lacageed dhan $100,000 (Boqol kun oo doollar oo shirkaddu ku deeqday ku wareejisay Guddida Gurmadka Taakuleynta Suuqa Waaheen maanta.
Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook ee SOMPOWER, ayaa lagu sheegay in ay markasta ka goan tahay inay bulshada reer Somaliland la dareen ahaadaan, sidaa darteedna ay ka goan tahay ka qayb galka dedaallada loogu gurmanayo dadka hantidoodu ku baaba’day dabkii ka kacay suuqa Waaheen.

Maareeyaha Guud ee Sompower  Md. Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya)  oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka mid ah madaxda shirkadda, ayaa lacagta qaadhaanka shirkadoodu bixisay ku wareejiyey Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen.
“Shirkad ahaan waxa noo sharaf ah in aan ummadayada markasta iyo meel kastaba la dareen ahaanno. Sidaa darteed, waxaannu shirkad ahaan ku wareejinay Guddida Gargaarka Suuqa Waaheen qaadhaan dhan $100,000 (Boqol kun oo doollar.)
Waxaan Allaah uga baryaynaa inuu beddel khayr qaba siiyo dhammaan ganacsatada waxyeelladu ka soo gaadhay gubashadii Suuqa Waaheen,” ayuu yidhi Maareeye Beershiya.