Foosiya Yusuf X. Aadan maxaa uga qorshaysan Somaliland haddii la doorto?

Maalmo kooban ayaa ka harsan xilliga loo cayimay in la qabanayo doorashada madaxtooyada Soomaaliya oo dhacaysa 15 bishan May.

Waxa haddaba doorashada madaxweynaha u tartamaya murashaxiin badan. Waxaa ka mid ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah murashaxa keliya ee dumar ah. Waxay horay u soo noqotay Raysul-wasaare ku-xigeen, wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha Isbahaysiga Hiigsi oo ay xisbiyo badan ku midoobeen. Sidoo kale, waxay maanta qaadatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxwayneha Soomaaliya.

Maxay u doonysaa inay madaxweyne noqoto?

Fowsiya oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in nolosheeda intii ay shaqeyneysay ama ay wax baraneysay ay siyaasadda uun ku jirtay.

“Arrinta koowaad ee igu kaliftay waa anigoo siyaasadda intaas ku sii jiray oo ka gaaray heer sare oo ilaa raysul-wasaare ku-xigeen ah ayaan haddana waxba tari kari waayay oo waxba qaban waayay marka waxaan go’aansaday in aniga gaarkayga aan u tartamo xilka ugu sarreeya dalka si aan wax u baddelo,” ayay tiri.

BBC ayaa weydiisay su’aal ah in madaxweynennimo keliya lagu xallin karo dhibaatooyinkaas oo aan waxba looga qaban xilalkii sarsare ee ay soo qabatay?

Fowsiyo ayaa ku jawaabtay in qofka hoggaamiyaha ah uu wax walbo mas’uul ka yahay waa haddii uu daacad yahay, sababtoo ah waxay tiri “marka uu daacad yahay waxa uu ugu horreyn ku shaqeynayaa sharciga.”

“Aniga waxyaabaha igu kallifay waxaa waaye waxaan ogahay in wax badan laga qaban karo qabyaaladda, doorasho caadi ah oo aan galno oo la fiiriyo qof walba waxa uu yaqaanno oo dadka iyo dalkaba uga faa’iideyn karo, dalkaan wax yar oo maskax oo keliya ayuu u baahan yahay.”

“Sababta kale ee igu kalliftay waxaa ka mid ah in aan aaminsanahay oo aan ku faraxsanahay in Islaamka aanu diidin in dal Muslim ah ay madax ka noqdaan, sheekhakh waaweyn oo magac lehna aad bay taageero ii siiyaan, iina qanciyeen, sidoo kalena, dhiirragelin ii siiyeen in dalkani uu xasillooni siyaasadeed u baahan yahay, dumarkana aanay diintu u diidin, laakiin waxaan waa dhaqan, dhaqankiina wax ka xun baa la sameynaya.”

Waxay sheegtay inay rajo weyn ka qabto inay madax ka noqoto Soomaaliya.

Maxaa u qorsheysan haddii ay madaxweyne noqoto?

Fowsiya oo qaadatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya

Fowsiya ayaa sheegtay inay rajo weyn ka qabto inay madax ka noqoto Soomaaliya. Waxyaabaha ugu horreeya ee ay dooneyso ayay ku sheegtay inuu ku jiro dastuurka.

“Waddanka maanta Al-Shabaab baa loo caddaalad doontaa, adeegyada waagii hore waxaa uu dalku lahaan jiray caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah, nabadgalyadii oo aad muhiim u ah horumarkasta iyo arrimaha dibadda, waxaa taa ii xigta ciidamada.”

Inta badan qof kasta oo tartamaya waxa uu sheegaa in dhammaan qodobbadaasi ay wax ka qabanayaan marka maxay Fowsiya uga duwan tahay oo u gaar ah?

“Waxaan uga duwanahay inaan haween ahay oo uga naxariis badanahay ummadda iyo shacbiga, waxaana intaas oo dhan uga sii duwanahay wasiir arrimo dibadeed 14 bil oo caalamka oo dhan baan u soo jeediyay Soomaaliya wixii ka dhacay waa tii la ogaa.”

Waxay sheegtay in amniga ay wax ka qabaneyso, balse BBC-da ayaa weydiisay maaddaamaa Al-Shabaab ay yihiin caqabadda ugu weyn dhanka amniga sida ay ula maacaamili doonto, iyadoo la wada ogyahay in aysan A-Shabaab sax u arkin in haweeney ay madaxweyne noqoto.

“Al-Shabaab weli ma aysan odhan gabadh madaxweyne ma noqon karto. Midda kale, weli waxaan aaminsanahay in dagaalka iyo dhimashada ay ka fiican tahay in nabad lagu xalliyo. Waxaan u jeedaa in wadahadal lala billaabo oo waxa ay rabaan la weydiiyo oo lagala hadlo haddii ay diidaanna waa wax kale laakiin, mar kasta wadahadal waa muhiim,” ayay tiri.

Maxaa uga qorsheysan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland haddii la doorto?

“Marka hore waxaan rabaa in Soomaaliya aan diiradda saaro sababtoo ah, in la nabadeeyo, in la dejiyo, in laga saaro cadowga in iyada la isku lugo-duwo, markaas kaddib ayuu hadalka hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland furmayaa sababtoo ah, Somaliland markaad la hadasho waxay ku odhanayaan, yaanu la hadalnaa, ma dagaalkaas iyo dabkaas baan ku soo dhex-dhacnaa iyo qabaa’il is haysta. Maya!”