Cirro iyo Faysal Cali-waraabe oo u dacwad tegay Nairobi

Murashaxa WADDANI oo sidii caadada u ahayd ka dhuuntay ka qaybgalka munaasibadda 18 May iyo Guddoomiyaha UCID oo kaga qaybalaya Maraykanka

Nairobi  -(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali-waraabe iyo Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya iyo saraakiil kale oo wehelinayey maanta, iyagoo sida la sheegay u gudbiyey cabasho ku saabsan walaac ay sheegeen inay ka qabaan qabsoomidda doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee u muddaysan 13 November 2022.
Kulanka ayaa ka qabsoonay Sarova Hotel ee Nairobi.

Waxa kulankaas lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Geeska iyo tan Somaliland-ba.
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal Cali-waraabe ayaa ku sii jeeda dalka Maraykanka uu kaga qaybgeli doono xuska 31-guurada maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, halka Murashax Cirro caado ka dhigtay inuu sannad kasta dalka ka dhoofo maalmo ka hor munaasibadda xuska 18 May.