Khilaaf u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargaysa oo la xalliyey

Hargeysa -(Berberanews)-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ka heshiiyey khilaaf ka dhashay guddiyo kala duwan oo dhinacyadu u kala magacaabeen dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose oo shir-jaraa’id wadajir ugu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa sheegay inay ka heshiiyeen ismaandhaaf u dhexeeyey, iskuna raaceen in gebi ahaanba meesha laga saaro guddiyo ay hore ugu kala magacaabeen naqshadeynta iyo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee gubtay, isla markaana si wadajir ah u magacaabeen hal guddi oo ka kooban 5 injineer oo ay ku jiraan 2 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa.

Xubnaha guddida wadajirka ah ee labada dhinac magacaabeen waxa ay kala yihiin; Eng. Maxamuud Cabdi Cilmi, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), Eng. Cabdulqaadir Iimaan Warsame, Eng. Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye) iyo Eng. Ciise Yuusuf Xamari.
Shaqada guddida ayaa noqon doonta dib-u-dhiska iyo hagaajinta suuqyada magaalada Hargeysa oo uu Suuqa Waaheen kow ka yahay, sida Maayarka Caasimaddu sheegay.

“Waajibaadka Guddida waxa ka mid ah, hawlgelinta iyo hagidda injineerrada iyo xirfadlayaasha barnaamijka heer qaran iyo heer caalami, ururinta, isku dubbaridka, qiimaynta afkaarta iyo aragtiyaha hal abuurka aqoonyahanka kala duwan ee dib-u-dhiska suuqa,  dejinta qorshe-hawleed cad ee dib-u-dhiska suuqa Waaheen iyo dib-u-habaynta Suuqa Gobonimo,” ayuu yidhi Mooge.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Md Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhexaysa wasaaraddiisa iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
“Waxa woxogaa jahawareer ah ku yimi labada warqadood ee soo kala baxay 24 iyo 30kii bishii April, si ummadda Somaliland tashuushkaasi uga baxo, waxaannu maanta garannay in aannu annaga oo dhammaystiran u caddayno in wax dhibaato ah oo jirtaa aanay jirin, isfahamna uu jiray marka horeba,” ayuu yidhi Wasiir Abokor.

Khilaaf huursanaa oo labada dhinac u dhexeeyey, ayaa soo bilaabmay horraantii bishii April, kadib markii laysku maandhaafay cidda iska leh masuuliyadda maamulka dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee gubtay, inkastoo aan dhinacyada midkoodna si toos ah uga hadal khilaafkooda hadda la xalliyey.