Cuba: 26 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Hotel

Havana-(Berberanews)-Ehelada dadka lagu la’yahay caasimadda Cuba ayaa sabtidii ku quustay baadigoob ay ugu jiraan dhibanayaasha qarax ka dhacay mid ka mid ah hoteellada lagu raaxaysto ee Havana oo ay ku dhinteen ugu yaraan 26 qof.

Waxay hubiyeen qolka meydadka, isbitaallada oo markii ay ku guuleysan waayeen, ku noqday Hotel Saratoga oo qayb ahaan burburay, halkaas oo samatabbixiyeyaashu ay eeyo u adeegsadeen si ay u raadiyaan kuwa badbaaday.

Gaaska dabiiciga ah oo liigtay ayaa ahaa sababta muuqata ee ka danbaysay qarixii Jimcihii ka dhacay hoteelka.

Dhismaha qarnigi 19-aad ee xaafadda Old Havana ma lahayn wax marti ah wakhtigaas sababtoo ah waxa uu ku socday dayactir ka hor salasadii loo qorsheeyay in dib loo furo ka dib markii la xidhay.

Saraakiisha magaalada Havana ayaa tirada dhimashada ka dhigay 26 Sabtidii, sida laga soo xigtay mareegaha rasmiga ah ee Cubadebate.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray afar caruur ah iyo haweeney uur leh.

Madaxweynaha Spain Pedro Sánchez ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dalxiise Isbaanish ah uu ka mid ahaa dadka dhintay iyo in qof kale oo Isbaanish ah uu si xun u dhaawacmay. Maamulka Cuba ma ayaan bixin faahfaahin ku saabsan dhimashada dalxiisayaasha.

Berberanews.net
Info@berberanews.com