Maraykanka: Gabadh Soomaaliyeed oo lagu xukumay taageero ay siisay Alshabaab

Gabar soomaaliyeed oo haysata dhalashada wadanka Netherlands ayaa lagu maxkamadeeyay eedeyn la xidhiidhay in lacago u uruurineysay ururka al-Shabaab, sida ay sheegtay xeer-ilaalinta federaalka maraykanka.

Farxiyo Xassan oo 38 jir ah ayaa lagu xukumay salaasadii in ay taageero u fidisay kooxda al-Shabaab, Xeer ilaaliyaha bariga Virginia Jessica Aber ayaa sidaas ku sheegtay war saxaafadeed.

Waxyaabo ay diiwaan galisay maxkamadu iyo cadeymo kale ayaa muujinayay in in kabadan saddedx sano koox ay ka mid tahay farxiyo ay al-Shabaab lacago uga aruurinayeen tobanaan wadan.

Farxiyo ayaa la sheegay in ay marwalba diirada saareysay in ay lacago kaasha ah dadka ka qaado si ay toos ugu dirto kooxda Shabaab.

Wadamada ay lacagaha ka aruurisay waxaa ka mid ah wadanka Netherlands oo ay dadka ugu sheekeysay in ay lacagta u auurineyso arimo bani’aadanimo.

Farxiyo ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Berberanews.com